Soomaali.org

Qaamuuska Afsoomaliga U

u¹ (u’) m.dh Xarafka labaatanaad ee alifba’da af
soomaaliga, waana shaqal.
u² h (nax.) Qurub lagu isticmaalo falka
bidixdiisa:
a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”;
b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”;
c) qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax
loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”;
d) qurub la xiriira habka ama sababta wax loo
sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,
“Maxaad u soo iibsatay?”;
e) ugu: qurubyo
lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha
asaga ayaa ugu wanaagsan”.
ubad m.l Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.
ubax m.l Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo
xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan;
waa caleemo midabyo badan oo qurxoon;
xay; man.
ubaxaysad m.l ld ubaxaysasho.
ubaxaysasho m.f.dh eeg ubaxayso. ld
ubaxaysad, ubaxaysi, ubxaysad,
ubxaysasho, ubxaysi
ubaxaysi m.l ld ubaxaysasho.
ubaxayso f.mg3 (-stay, -satay) Ubax yeelasho
(geed). ld ubxayso.
ubaxdhig m.l Dhigidda la dhigo meelo
taariikhi ah ubax.
ubaxley m.dh (bot.) Dhirta ubaxa leh.
Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u
suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin
kala duwan.
ubaxoobid m.f.dh eeg ubaxow. ld ubxoobid.
ubaxow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ubax
dhalid (geed). ld ubxow.
ubbo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Weel badanaa
argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor
dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc.
ubbo-ubax m.dh (-xo, m.dh) (bot.) Qaybta
dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal
kaarbale, ama koox kaarbale ah.
ubuc¹ m.dh (-cyo, m.dh) Uurkujir. ld oboc.

ubuc² m.dh (-cyo, m.l) Qaybta hoose ee
jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay
caloosha, mindhicirrada iyo organnada
qashinsaarka iyo taranka.
ubur m.dh (-rro, m.dh) Xumbo adag, oo cad,
oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld
abur.
uburi f.g2 (-iyay, -isay) Awr qooqan, ubur
afka ka keenid. ld aburi.
uburin m.f.dh eeg uburi. ld aburin.
ubxaysad m.l ld ubaxaysasho.
ubxaysasho m.f.dh ld ubaxaysasho.
ubxaysi m.l ld ubaxaysasho.
ubxayso f.mg3 (-stay, -satay) ld ubaxayso.
ubxi f.mg2 (-iyay, -isay) Ubax yeelasho (geed).
ubxin m.f.dh eeg ubxi. ld ubxis.
ubxis m.l ld ubxin.
ubxoobid m.dh ld ubaxoobid.
ubxow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld
ubaxow.
udaabtahays m.dh Geed geedaha sabuulka leh
ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays.
udgi f.g2 (-iyay, -isay) Wax caraf u yeelid. ld
udgoonee.
udgid m.f.dh eeg udug².
udgin m.f.dh eeg udgi. ld udgoonayn.
udgoon¹ m.l 1. Ur la jeclaysto oo carfoon.
2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo
carfoon; udug.
udgoon² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ur la
jecleysto leh ahaansho.
udgoonaan m.f.dh eeg udgoon². ld
udgoonaansho.
udgoonaansho m.l/dh ld udgoonaan.
udgoonayn m.dh ld udgin.
udgoonee f.g2 (-neeyay, -neysay) ld udgi.
udgoonsad m.l ld udgoonsasho.
udgoonsasho m.f.dh eeg udgoonso. ld
udgoonsad.
udgoonso f.mg3 (-saday, -satay) Udgoon isku
shubid.
udo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Saxaro. 2. Cudur
geela dhabxanagga kaga dhaca.

udub m.l (-dbo, m.l) 1. Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqalka Soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.
udubcad m.l Qoys markaas aqal galay.
udubdhexaad m.l (-do/-dyo, m.dh) Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.
udubxoog m.l (-gyo, m.dh) Labada udub oo irridda aqalka lagu dhiso midkood.
udug¹ m.l 1. Ur la jecleysto. 2. Wax ur la jecleysto leh oo la shito ama lays mariyo.
udug² f.mg1 (-dgay, -dugtay) Wax caraf la jecleysto yeelasho.
udullub¹ m.l Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iwm hayso.
udullub² f.mg1 (-bay, -btay) Qof jirro, caro iwm la cagajiidid.
udullubi f.g2 (-iyay, -isay) Nafley jirran si tartiib ah u wadid.
udullubid m.f.dh eeg udullub².
udullubin m.f.dh eeg udullubi. ld udullubis.
udullubis m.l ld udullubin.
uduuf m.dh Gufar; qashin.
uduufaa m.l.kh 1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.
uduufo m.dh Wax kasta intiisa liidata.
uf¹ m.dh Faddare; qurun.
uf² e.d Eray la dhaho kolka ur qurmuun la dareemo.
ufaayow m.l.kh Cudur raagay.
ufo m.dh (-ooyin, m.l) Dabaysha roobka ka soo horreysa.
ufoo f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Ka siqasho; ka yaqyaqsasho. 2. Ka u.: wax ka tanaasulid ama ka fogaansho.
ufood m.f.l eeg ufoo.
ufuq m.l (-qyo, m.dh) (juqr.) Xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.
ug f.g1 (-gay, -gtay) Ku u.: wax dab ku qallajin.
ugaabdays m.dh ld udaabtahays.
ugaadhsade m.l (-dayaal, m.l/dh) Xayawan u ugaadhasada xayawaannada kale cunto ahaan.
ugaar¹ m.dh.u Nafley banjoog ah oo hilibkeeda la cuno sida biciidka, deerada, iwm.

ugaar² f.g1 (-ray, -rtay) Ugaar dilasho (qof). ld ugaarso.
ugaarasho m.f.dh eeg ugaarso. ld ugaarsasho, ugaarsi.
ugaarayn m.f.dh eeg ugaaree.
ugaaree f.g2 (-reeyay, -raysay) Dabjoob in ay ugaar noqoto gayeysiin.
ugaarid m.f.dh eeg ugaar².
ugaaro f.g3 (-rtay, -ratay) ld ugaarso.
ugaaroobid m.f.dh eeg ugaarow.
ugaarow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ugaar noqosho.
ugaarsad m.l ld ugaarasho.
ugaarsasho m.dh eeg ugaarso. ld ugaarasho.
ugaarsato m.dh.u Dad ugaarta ugaarsada.
ugaarsi m.l ld ugaarasho.
ugaarso f.g3 (-saday, -satay) Ugaar doonasho. ld ugaaro.
ugaas m.l Nin tol madaxnimadiisa loo caleemasaaray.
ugaasee f.g2 (-seeyay, -seysay) Qof ugaas (is)ka dhigid.
ugaaseyn m.f.dh eeg ugaasee.
ugaasnimo m.dh Ugaas ahaansho.
ugan f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Weel wax dab lagu qallajiyey ahaansho.
ugar¹ m.l 1. Inan. 2. Harag xoolaad oo la idiimay.
ugar² m.dh (-ro, m.l) Kiish ama boorso harag ka samaysan.
ugax¹ m.dh.u (-gxaan, m.dh) 1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go’a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan.
ugax² m.dh (ugxanno, m.dh) (baay.) Unug taran oo qaangadh ah oo laga helo xayawaanka dheddig, kaasi oo uu saaroo ugxansiduhu.
ugaxlay m.dh (c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.
ugbaad m.l 1. Dhir roob ku da’ay oo baxday oo aan cidi daaqin. 2. Dhul weli ugub ah.
ugbaadsasho m.f.dh eeg ugbaadso. ld ugbaadsi.
ugbaadsi m.l ld ugbaadsasho.

ugbaadso f.mg3 (-saday, -satay) Qof ugbaad doonasho.
ugbaan m.f.dh eeg ugub². ld ugbaansho.
ugbaansho m.l/dh ld ugbaan.
ugeyb m.l Riyaha intooda jirta sannad ka kor dhalmana aan gaarin.
ugid m.f.dh eeg ug.
ugnaan m.f.dh eeg ugan. ld ugnaansho.
ugnaansho m.l/dh ld ugnaan.
ugu hooseeye¹ m.l Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya.
ugub¹ m.l.kh 1. Dhul dihin oo aan weli laga xoojin; cusayb. 2. Naflay dheddig oo aan weli curan.
ugub² f.mg4 (-gbaa, -gbayd) Wax aan weli curan ahaansho.
ugubi m.dh Shimbir yar oo midabkeeda bey ah oo dhulka uun ku socota.
ugubnimo m.dh Ugub ahaansho.
uguf m.l (-fyo, m.dh) Sabuul meseggo, oo qaaday cudur ama biyo la’aan heshay awgeed, oo aan yeelan badar fiican.
ugufaa m.l Dibi laba jir ah.
ugu-hooseeye² m.l (-yayaal, m.l/dh) (xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togan ilaa taban iyada oo maraysa eber.
ugunji m.l Liin, bambeelmo.
ugxaan m.dh.w eeg ugax¹.
ugxanayn m.dh (baay.) Sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.
ugxandhalid m.dh (baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.
ugxanside m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. (c.nafl.) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (bot.) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.
ugxanside-yare m.l (-rayaal, m.l/dh) (bot.) Qaybta organnada taranka dheddigga ee iniinyaha geedka, taas oo ka kooban bu’da, kiish uurjiif iyo lakab ugxaneedya.

umaamadan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) ld amaamudan.
umaamade m.l ld amaamude.
umaamadid m.f.dh eeg umaamad. ld amaamudid.
umaamudnaan m.dh ld amaamuudnaan.
umaamudnaansho m.l/dh ld amaamudnaan.
umal¹ m.l Caro ciilqab ah.
umal² f.mg1 (-mlay, -mashay; -mli) Caro ciilqab leh dareemid. ld umashoo.
umashoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Qof dareema caro ciilqab ah noqosho. ld umal².
umashood m.f.l ld umlid.
umlid m.f.dh eeg umal². ld umashood.
ummaag m.dh Xirmo ah cawska rarada laga sameeyo.
ummad m.dh (-do, m.l) 1. Dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. 2. Dad.
ummadnimo m.dh Ummad ahaansho.
ummi m.l.kh U. ah: qof aan wax qori karin waxna akhrin karin.
umminnimo m.dh Ummi ahaansho.
ummiya m.dh Shareero.
ummul¹ m.dh (-lo, m.l) Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.
ummul² f.mg1 (-ulay, -ushay) Ilmo uur ku jiray dhalid.
ummuladdoox m.l (-xyo, m.dh) 1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.
ummulbax¹ m.l Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
ummulbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho.
ummulbixi f.g2 (-iyay, -isay) Hooyo dhashay, intay afartanka casho ee ummusha ka dhammaysanayso u adeegid; nafaqgayn.
ummulbixid m.f.dh eeg ummulbax².
ummulbixin m.f.dh eeg ummulbixi.
ummuli f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo ka dhalin.
ummulid m.f.dh eeg ummul².
ummulin m.f.dh eeg ummuli. ld ummulis.
ummulis m.l ld ummulin.
ummuliso m.dh (-ooyin, ml.) Haweeney aqoon u leh sida loo dhaliyo naagaha.
ummuliye m.l (-yayaal, m.l/dh) Nin yaqaan sida loo dhaliyo ummuliyo haweenka ummulaya.
ummulow m.l Cudur ku dhaca dumarka ummula.
ummulraac¹ m.l Geerida ku timaada haweeney ummulaysa ama ummushay.

ummulraac² f.mg1 (-cay, -cday) Haweeney ummushay dhimasho. ld ummulraaco.
ummulraacasho m.dh ld ummulraacid.
ummulraacid m.f.dh eeg ummulraac².
ummulraaco f.mg3 (-cday, -catay) ld ummulraac².
ummuur m.dh ld ammuur².
ummuuraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld ammuureysan.
ummuuraysnaan m.dh ld ammuureysnaan.
ummuuraysnaansho m.l/dh ld ammuureysnaansho.
uneexo m.dh ld aneexo.
unfaxyee f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Neef ari ah unfaxyo keenid.
unfaxyeyn m.f.dh eeg unfaxyee.
unfaxyo m.dh Dhiig ka yimaada neef ari ah oo bilihii ugu horreeyay dhiciyay.
unfo m.dh Qarandi, saddexsulley.
unkad m.l ld unkasho.
unkamid m.f.dh eeg unkan¹.
unkan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la unkay noqosho.
unkan² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la unka ahaansho.
unkanaan m.f.dh eeg unkan². ld unkanaansho.
unkanaansho m.l/dh ld unkanaan.
unkasho m.f.dh eeg unko. ld unkad.
unkid m.f.dh eeg unug².
unko f.g3 (-kaday, -katay) Weel toliddiisa ama caw, harrar iwm falkintooda billaabid.
unkod m.l ld onkod¹.
unsar m.l Wasakh yar oo ku jirta weel hoore ku jira salkiisa. ld usar.
untiye m.l ld yibir.
unug¹ m.l (-gyo, m.dh) Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya.
unug² m.l (-gyo, m.dh) (baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo unmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu’, kaas oo ay ku jirto DNA.
unug³ f.g1 (-nkay, -nugday; -nki) Unug samayn.
unug-dareen-dhaqaaq m.l (-gyo …, m.dh) (c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.
unug-dareen-wade m.l (-dayaal, m.l/dh) (c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u a.

urur shaqaale m.l (-rro …, m.dh) (taar.) Urur matala xoogsatada, rabo in uu wax ka

habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
unugga cad ee dhiigga m.l eeg liyuukoosayt.
unugga Daaniyal m.l (fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.
unug-gudeed m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl.) Unugyada inta u dhaxaysa.
unug-maskaxeedka dhaqaaqa m.l (c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.
unug-waalid m.l (-gyo …, m.dh) (c.nafl.) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.
unugyada dhiigga ee cas cas m.dh eeg iritaroosayt.
unugyo badane m.l.u (-nayaal, m.dh) Noole ka kooban unugyo badan.
ununush m.l.u Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.
unuun m.l 1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.
unuungoo f.g2 (-ooyay, -oysay) Nafley madaxa ka jarid.
unuungoyn m.f.dh eeg unuungoo.
unuunuf¹ m.l Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. ld anaanuf¹
unuunuf² f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. ld anaanuf².
unuunufid m.f.dh eeg unuunuf². ld anaanufid.
uq m.dh ld cuq.
ur¹ m.l (-rar, m.l) 1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.
ur² m.dh 1. Dabayl lixdii bilood doc ka timadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.
ur³ f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid.
uraa m.l Geed-quwaax ur sillan oo aad u lifaaqoon leh: ur cayayaanka iyo bahal-hoosaadka lagu laayo.
uraad m.dh Saaca iyo waxtarka daaqu leeyahay. ld urshi.
urdhac m.l Jihada dabayshu u socoto. ld urdhicid.

urur¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.
urur² m.l (-rro, m.dh) 1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu’eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu’eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.
urur³ m.dh Xiddigo dhawr ah oo meel isugu yimaada oo isla socda.
urur4 f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley tiro badan meel isugu imaansho. ld urursan¹.
ururi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. ld aruuri.
ururid m.f.dh eeg urur³. ld aruurid.
ururin m.f.dh eeg ururi. ld aruurin, ururis.
ururis m.l ld aruurin, ururis.
Ururkii Qaramada m.l Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.
urursamid m.f.dh ld ururid.
urursan¹ f.mg1 (-amay, -antay) Wax la ururiyay noqosho. ld urur4.
urursan² f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la ururiyey ahaansho. 2. Wax aan kala daadsanayn ahaansho.
urursanaan m.dh eeg urursan². ld aruursanaan.
urursanaansho m.l/dh ld aruursanaan.
urursasho m.f.dh eeg ururso. ld aruursasho.
ururso f.g3 (-saday, -satay) Wax kala firirsan meel isugu keensasho. ld aruurso.
uruur f.mg1 (ray, -rtay) ld aruur².
uruuri f.g2 (-iyay, -isay) ld aruuri.
uruurid m.dh ld aruurid.
uruurin m.dh ld aruurin.
uruuris m.l ld aruurin.
uruursad m.l ld aruursasho.
uruursan f.mg4 (-naa, -nayd) ld aruursan.
uruursanaan m.dh ld aruursanaan.
uruursanaansho m.l/dh ld aruursanaan.
uruursasho m.dh ld aruursasho.

uruurso f.g3 (-saday, -satay) ld aruurso.
us e.d Aamus!
usar m.l ld unsar.
usduurad m.dh ld usduuro.
usduuro m.dh (-ooyin, m.l) Dhacdo taariikheed oo sooyaal ah, oo wax laga beddelay qaabkeeda hore. ld asduurad, usduurad.
uskag m.l Wasakh ku taal jir dad ama dhar. ld uskug.
uskagayn m.f.dh eeg uskagee.
uskagee f.g2 (-geeyay, -gaysay) Wax uskag u yeelid.
uskag-galeen m.l Jir dad meesha wasakh qabatinka leh.
uskagoobid m.f.dh eeg uskagow.
uskagow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Uskag yeelasho.
uskug m.l ld uskag.
ustaad m.l (-dyo, m.dh) Macallin; bare. ld astaad.
usur m.l (-rro, m.dh) Dhul jiq ah oo aan la mari karin.
utun m.dh Godob weyn; aano.
uu¹ mu.dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tus. “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto”.
uu² e.d Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iwm.
uub m.dh (-bo, m.l) 1. Carun ka yimaad xubinta taranka ee nafley dhashay. 2. (-bo, m.l) God dhuuban oo hoos u dheer.
uubatee f.mg2 (-teeyay, -teysay) 1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.
uubateyn m.f.dh eeg uubatee.
uubato m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Bahal eeyga u eg: yey; yeey; uuley. 2. Qaylo dheer.
uubo m.dh ld uub.
uud m.l Daaq; caws.
uufannaa m.l ld uufannays.
uufannays m.l 1. U. ah: maroodi markaa dhashay ama beriyo jiray. 2. (m.l.u) U. ah: dad aan meel loogu hagaago lahayn. ld uufannaa.
uugaabid m.f.dh eeg uugaw².
uugaabo m.dh Qaylo kicin iyo tirtirsi leh oo dad loo jeediyo; guubaabo.
uugaami f.g2 (-iyay, -isay) Geel in uu uugaan sameeyo ku kallifid.
uugaamid m.f.dh eeg uugaan².
uugaamin m.f.dh eeg uugaami. ld uugaamis.
uugaamis m.l ld uugaamin.
uugaamo m.dh ld uugaan.

uugaan¹ m.l 1. (m.l.u) Daruuro cokan. 2. Yabaq, buuq. ld uugaamo.
uugaan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Daruuro cukan cir ku dedmid. 2. Yabqid; buuqid.
uugaw¹ m.l Uugaan.
uugaw² f.mg1 (-way, -wday) Uugaan samayn (geel).
uugo m.dh (-ooyin, m.l) Dhawaaq wiilka geela jiraa sameeyo markuu rabo inuu isu ururiyo. ld uujo.
uuji f.g2 (-iyay, -isay) Uugaan ka keenid (geel).
uujin m.f.dh eeg uuji. ld uujis.
uujis m.l ld uujin, uugaw¹.
uujo m.dh ld uugo.
uulayn m.f.dh eeg uulee.
uulee f.mg2 (-leeyay, -laysay) Qaylo dheer samayn.
uuley m.dh Yeey, uubato.
uuman¹ m.l 1. Jin, rooxaan. 2. ld uun¹.
uuman² f.mg1 (uunmay, uumantay; uunmi) Wax la abuuray noqosho.
uuman³ f.mg4 (uunnaa, uunnayd) Wax la abuuray ahaansho.
uumasho m.f.dh eeg uumo.
uumi saarid m.dh (bot.) Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.
uumi¹ m.l 1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad.
uumi² f.g2 (-iyay, -isay) Wax dab ku diirin.
uumibax¹ m.dh (-xyo, m.dh) 1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.
uumibax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Hoore la kululeeyey qiiq bixid.
uumibixid m.f.dh eeg uumibax².
uumibiyood m.l Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.
uumid m.f.dh eeg uun².
uumihoorow m.l (fiis.) Isbeddelka uumi ama neef ay ku noqoto hoor. Weji-gaddoonkaasi waxa wehesha kul baxa.
uumin m.f.dh eeg uumi. ld uumis.
uumis m.l ld uumin.
uumitee f.g2 (-tgeeyay, -teysay) Hilib uumito ka dhigid.
uumiteyn m.f.dh eeg uumitee.
uumito m.dh Hilib uumi kulul lagu bisleeyey.
uumo f.g3 (uuntay, uumatay) Ilaah wax abuurasho.
uun¹ m.l 1. Wax kastoo Alle uumay. 2. Uumi.
uun² f.g1 (uumay, uuntay; uumi) Eebbe wax abuurid.
uun³ fk. 1. Keliya. Tus. “Carruurta uun caanaha sii”. 2. Mid kastaba ha ahaadee. Tus.”Nin uun weyddii”. 3. Mid aan cayinnayn, mid aan la garanayn. Tus. “Wiil uun baa noo sheegay”.

uunmid m.f.dh eeg uuman².
uunnaan m.f.dh eeg uuman³. ld unnaansho.
uunnaansho m.l/dh ld uunnaan.
uunrays m.l Dabagaalle; tukulush.
uunsad m.l ld uunsasho.
uunsan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho.
uunsanaan m.f.dh eeg uunsan. ld unsanaansho.
unsanaansho m.l/dh ld uunsanaan.
uunsasho m.f.dh eeg uunso.
uunsi m.l Walxo laysku dardaray oo laysku kariyey, udgoon oo loo qiijiyo in lagu carfiyo jir, dhar ama meel; khumkhum. ld uunsasho.
uunso f.mg3 (-saday, -satay) Uunsi shidasho.
uur m.l 1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
uurayn m.f.dh eeg uuree.
uuraysasho m.f.dh eeg uurayso.
uurayso f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho.
uurbays m.dh (-syo, m.l) Xirmo qaad ah oo ka kooban dhawr laamood.
uurdhagax m.l Qare adag oo aan la jebin karin.
uurdhagaxoobid m.f.dh eeg uurdhagaxow.
uurdhagaxow f.mg1 (-xoobay, -xowday) Uurdhagax noqosho (qare).
uurdoox m.l Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
uuree f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.
uurgubyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Tiiraanyo aad ah dareemid.
uurgubyood m.f.l eeg uurgubyoo.

uurjiif¹ m.l (-fyo, m.dh) Ilmaha weli uurka ku jira.
uurjiif² m.l (-fyo, m.dh) (baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.

uurkoole m.l Magac ay caan ku yihiin herinta ugaarsatada ah, wuxuuna tilmaamayaa in ay yihiin isku uur oo aanay wax kala qarsan.
uurkubaalle m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
uurkucirroole m.l (-layaal, m.l/dh) Nin xaakiim ah ama waayoaragnimo dheeraad ah leh.
uurkuhar m.l.kh Ilmo aabihiis dhintay iyagoo uurka ku jira.
uurkujir m.dh Inta uurka ku jirta, sida: beerka, kelyaha, caloosha iwm; uusley.
uurkummaanle m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.
uurkuqaad m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. ld uurkusiddo.
uurkusiddo m.dh Utun iyo ciil uurka ku raaga.
uurkutaallaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax uurkutaallo hayso ahaansho.
uurkutaallaysnaan m.f.dh eeg uurkutaallaysan. ld uurkutaallaysnaansho.
uurkutaallaysnaansho m.l/dh ld uurkutaallaysnaan.
uurkutaallo m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
uurkutaalloo f.mg3 (-ooday, -ootay) Uurkutaallo dareemid.
uurkutaallood m.f.l eeg uurkutaalloo.
uurmaran m.dh Naasley aan uurkeeda ilmo ku jirin.
uuro m.dh 1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.
uuroobid m.f.dh eeg uurow.
uuroowid m.l (baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.
uurow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Uur qaadid ama yeelasho.
uurqaad m.l.kh U. ah: gaaridda neef dheddig uu gaaro da’uu ku rimi karo; awrqaad. ld awrqaad.

uusmiirnaansho m.l/dh ld uusmiirnaan.
uusmiiro f.g3 (-rtay, -ratay) Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirasho.
uusxabaal m.l (-llo, m.dh) Qof tuug ah oo ariga uu qasho hilibkiisa inta uu cuno mooyaane inta kale qarsha.
uuyo m.dh Meesha sagaaradu saaladeeda ku uruursato.
uyaal m.l magacuyaal.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top